Wasiirka Wasarada Arimaha Gudaha mudane mahamed kaahin ahmed ayaa kulan la qaatay Wakiilka midowga Europe oo waheliyo danjiraha wadanka Sweden u fadhiya Somalia Mud. Staffan Tillander ,
shirkan o ay Wasiirka ku wahelinayey labada la taliye Mr. Saciid Yuusuf iyo Mr. Axmad Yuusuf ( Sudi ).
Arrimaha badan oo la isla lafa gurey ka dib waxa ka soo baxay qodobo dhawr ah
:1 – guud ahaan in lawada shaqeeyo, taas oo dan u ah cidwalba.
2 – arrinta ku saabsan xubnaha guddida doorashooyinka qaranka in hore loo xaliyo.Taas oo wasiirku ku balan qaadey in ay ka goantahay xisbiga Kulmiye in ay sulux iyo wada tashi mar walba ula tagaan axsaabta mucaaridka. Shirku wuxu ku dhamaadey is afgarad iyo jawi wacan.