wasiirka wasarada arimaha gudaha iyo wasiirka wasarda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta ayaan kulan la qaatay warbaahinta gaarka loo leeyahay

wasiirka wasarada Arimaha gudaha mudane mahamed kaahin ahmed  ayaan kulan balaadhan la qaatay dhamaan saxafda gaarka loo leeyahay kulankan oo ka dhacay hoolka wasarada arumaha gudah  ayaa waxa wasiirka ku wehelinayay wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyi galinta mudane mahamed muuse diiriye  iyo  ku simaha xeer ilaaliha guud ee qaranka mudane yuusuf c/laahi kaahin   ku xigeenka x xeer ilaaliyaha guud ee qaranka  cali mahamed cali

madax xafiiska xeer ilaaliyah gobolka m/jeex  mawliid cabdi muuse

 

kulankan oo qaatay mudo sacado ah ayaa waxa kasoo baxay qodobo dhawr ah

  • Warbaahinta Somaliland waxay qiraysa inay haystaan xoriyad buuxda oo aan ka jirin dalal badan oo calamka ka dhisan
  • Warbaahinta (tv yada) gaarka loo leeyahay waxay balan qaadayaan inay xoriyada ay haystaan dhawrayaan jiritaankeeda isla markaana ay u isticmalayaan anshaxa saxafadda dhaqanka iyo diinta
  • Warbaahintu waxay balan qaadaysa inay iska ilaaliyaan waahinta wixii wax u dhimaya amniga iyo danta guud ee qaranka sida buubuninta shaqaaqooyinka qabiilig ah ee amniga taabanay tabinta warar aan laga helin masuuliyiinta ciidanka oo laga faafiyo dhaqdhaqaaqyada ciidamada warar aan isu dheeli tirnaynmarka loo xuquuqda dhinacyada uu khuseeyo I W M
  • Warbaahinta TV –yada waxay diyaar u yihiin markay warka tabinayaan studioyayaasha Somaliland inay warka Somaliland xidhiidhiyan isla markaana ay ku qeexaan wararka magaca jamhuuriyada Somaliland
  • Warbaahintu waxay diyaar u tahay xuquuqda dalku ku leeyahay
  • Hadii khalad dhaco waxay warbaahintu diyaar u tahay in TV-ga galay raali galin ka bixiyo hadii uu ku adkaysto baahintiisa lagu kala calaf qaado garsoorka hortiisa
  • Warbaahintu waxay balan qaadayaan fidinta baahin kasta oo kor u qadaysa haykalka iyo maamuuska qaranimada Somaliland
  • wasaarada warfaafintu waxay u aragtaa warbaahinta gaarka loo leeyahay ee somaliland hanti qaran leeyahay isla markaana mudan dhiiri galin  korin iyo dhawris
  • wasarada warbaahintu waxay balan qadaysa in warbaahinta loo fududeeyo helista wararka si loo helowar isu dheeli tiran

 

 

Liiska telifishanada ka hawl gala Somaliland

  1. Saab tv
  2. Eryal tv
  3. Horncable tv
  4. Star tv
  5. Badacas 24 tv
  6. Kalsan tv
  7. Hoyaal tv
  8. Codka bariga CBA tv
  9. Goobjoog tv
  10. Astaan cable tv
  11. True cable tv
  12. Bulsho tv
  13. Somaliland space chanal tv
  14. Sbc tv
  15. Somnews tv
  16. Universal tv
  17. Rtn tv
  18. Somali cable tv
admin