Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Xafiiskiida Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Dawlada Cuman

Hargaysa(SLI)- Wasiirka Arrimaha gudaha  Somaliland mudane  Cali Maxamed Waran Cadde ayaa   xafiiskiisa  ku  qaabilay   wafti  balaadhan  oo  ka  socday     Madaxtooyada  Dawlada Cumaan .

Waftidan  oo  uu  hogaaminayey  dhaxal  sugaha   Boqortooyada  Cumaan  General  Nuux   ayaa   ujeedada socdaalkoodu  ay  ahayd   sidii ay  usoo indho  indhay   lahaayeen   xaalada  amaan iyo  ta maalgashi   ee dawlada Somaliland .

Waxaana  wasiirka  arrimaha gudaha  ay  kala hadleen  xaalada amaan  ee  dalka  isga oo wasiirku  ku  qanciyey   ugana  xog waramay  in  guud  ahaanba  dalka Somaliland uu   amaankiisu  yahay mid  sugan  isla markaana   ku  qanceen  lana qaateen .

Dhinaca   kale  waftidu  waxa ay  Wasiirka Arrimaha Gudaha  kala  hadleen  sidii  loo  mataanayn  lahaa isla  markaana   ay  xidhiidh   dhinaca amaanka ay  ay  u  wada yeelan lahaayeen  Dawlada Cumaan Iyo Dawlada Somaliland.

IMG_2591 IMG_2592 IMG_2594 IMG_2595 IMG_2597 IMG_2601 IMG_2602 IMG_2604 IMG_2608 IMG_2609 IMG_2611 IMG_2615

admin