TACSI : INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, Mudane Maxamed Kaahin Ahmed, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Shaqaale Waynaha Wasarada Arrimaha Gudaha iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Arabey oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 25/09/2021, caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Waxaanu Wasiirku marxuumka ku sifeeyey oday waayeel ah oo ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay, nabadayntii iyo dib u dhiskii waddanka.
Waxaanu Wasiirku marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
admin