Tacsi Wasiirka Wasaradda Arimaha Gudaha ayaa dhanbaal tacsi ah u diraya qoyskiis uu ka baxay gudomiyihii gobolka Togdheer

TACSI WASIIR:

INNAALILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Wasirka Wasarada Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Maxamed kaahin Ahmed, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka shaqaale waynaha wasarada iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, gaar ahaan Gobolka Togdheer ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Gudoomiyihii Gobolka Togdheer Marxuum Xamse Maxamed Cabdi oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 06/07/2020, dalka dibediisa oo isla maanta loo qaaday dalka Turkiga.

Wasirku waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul hawlkar ah oo xilal ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey, tilmaan iyo hiigsina u ahaa da’a yarta dalka, kuna suntanaa daacadnimo iyo dedaal.

Waxaanu wasir ku marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

admin