Wasiir Ku xigeenkii Wasaarada Arrimaha Gudaha Iyo Agaasimihii Guud Ee Amniga Oo Xilkii Wasaarada Arrimaha Gudaha Ku Wareejiyey Wasiirka Iyo Agaasimaha Guud.

Hargaysa (MOI)- Waxaa Saaka Ka Qabsoonmay Hoolka Shirarka ee Wasaarada Arrimaha Gudaha JSl Munaasibad ay xilka Kula Kala Wareegayeen Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye Hadana Ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyi Galinta iyo Agaasimihii Guud Ee Amniga Mukhtaar Maxamed Cali oo Isna Hada ah Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyi Galinta.

Masuuliyiintan Ka Dalacay Wasaarada Arrimaha Gudaha Ayaa xilalkii ay hore uga hayeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha Si Rasmiya Ugu Wareejiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Ahmed Iyo Agaasimaha Wasaarada Cabdi Gurey.

Munaasibadan ayaa Waxaa Hadalo Kooban Wasoo Jeediyey Agaasimaha Yaasha Iyo Lada Wasiir Ee Xilka La Kala Wareegayey , sidoo kale waxaa munaasibada ka ahdlay wasiirka Macdanta Iyo Wasiir Kuxigeenka Qorshayn.

Ugu danbayntiina waxaa halkaasi shahaado sharaf lagu gudoonsiiyey labada masuul ee ka dalay wasaarada arrimaha gudaha.

 

admin