Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Iyo Kuxigeenka Dalka jarmarlka U Fadhiya Nairobi.

Hargaysa (MOI)- Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka iyo safiir ku xigeenka Dalka Jarmalka U Fadhiya Magaalada Nairobi oo maalmahanba Safar shaqo Ku joogay dalka isla markaana hore kulamo ula qaatay Madaxweynaha Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL oo markii uu soo idlaaday kulanku faahfaahin ka bixiyey u jeedada kulanka ayaa sheegay in ay safiirka ka wada hadleen kor uqaadida amaanka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa ciidamada badda.

admin