Wasiirka Arrimaha Gudah Somaliland Oo Kormeer Ku Maray Goobaha Diwaangalintu Ka Socoto Ee Gobolka Sool+Sawiro

Sool ( Xafiiska Af-Hayeenka)- Wasiirka Arrimaha Guddaha Jsl  Yaasiin Xaaji Maxamuud  Xiir  Ayaa   Socdaal  Dheer  Ku Ku Kala Bixiyey    Tuulooyinka  Adhicadeeye, Tuulo Samakaab, Yagoori, Yeyle, Huftira, Goljano, Sululux Iyo Waliba  Qaar Kale  Oo  Tiro  Badan.

Socdaalkan  Ayaa  Wasiirka  Arrimaha Gudaha  Somaliland  Ugu  Kuur  Galayey    Sida Ay  Tuulooyinkaasi  Uaga   Socoto  Kaadh Qaadashadu Waxaana   Dhamaantoodba  Loogu  Soo Dhaweeyey    Si Mug Iyo Miisaan  Leh.

Waxaana    Uu  Bulshada  Ku  Dhaqan Deegaamadaasi  Ku  Booriyey  Sidii  Ay  U  Qaadan Lahaayeen  Kaadhkooda   Si  Ay  Xag Ugu  Helaan  Inay  Doortaan  Hogaanka  Dalka  Ama   Madaxweyaha  Mustaqbalka,

“halka kan  waxaa ka  socda  qaadashada  kaadhka  doorashada  waxaad ogaataan  in  kaadhaasi  waxbaadan  idiin leeyahay  waana kaa ku  dooran  lahaydeen  qofka aad jeceshahay waa kaad ugu  hiilin  lahaydeen mustaqbalkiina  ama ku  dooran lahaydeen sadexda madaxweyne  ee  tartamaya  waxaa jira  muddo  kadib in  doorasho  loo gali  doono  baarlamaanka  iyo   kolihii deegaanka  dadke deegankan   reer sool  degaana waa tartamayaan  waa lays kugu  yimi  sanadkan “.

Dhinaca  kale wasiir Yaasiin Faratoon  waxaa uu ka hadlay  mudadii  uu  xilka  ahayey  iyo   waxqabadka  xukuumada “muddo yar  ayaan  xilka  hayey  mudadaasna   waxaan la  kowsaday   aafooyinka abaaro iyo aafooyinkaa aad  ogtihiin ee aad ku wada caydhoowdeen waxqabadkayaguna  aniga iyo  xisbigayguba wuxuu mudadaas ku  jahaysnaa  gurmadka  abaartaa iyo badbaadinta dadka suurta  gal noomahayn  inaanu  wax qabad  badan oo horumarina samayno dawlada aan  ka tirsanahayna waad  og tihiin  waa dawlad yar oo dhaqaalaheedu  yar yahay oon wax badan  qaban  Karin  lkn waa dawlad  dedaal  badan intii  la ladnaana  waxay  ku dedaalaysay  inay  bulshada  gaadhsiiso  adeegyada  bulshada  meelo  badana waa laga  hir galiyey  laakiin   wali  halkan  may  soo  gaadhin  waana  ku  qasab  inay   halkan  timaado  ”.

Wasiirka  Arrimaha Gudaha  Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir  Ayaa   Sidoo Kale Tuulada Yeyle  Xadhiga  Kaga   Jaray Mch  Cusub  Oo  Maal Galintiisa  Oo  Isagu  Lahaa  .

 

 

admin