Waftidii Wasiirka Arrimaha Gudaha Jsl Hogaaminayey Oo Gudiyo Afar Geesooda Usaaray Turxaan Bixinta Labadii Ardaa Ee Dirirtu Ku Dhex Martay Deegaanka Bacaha

Ceel Afweyn( Xafiiska Af-hayeenka)- Waftidii  uu hogaaminayey  wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland  ee  todobaadkanba  ku  sugnaa   deegaanka  Degmada Ceel afweyn   ayaa  caawa  kulankii labaad la  qaatay    gudida  labada ardaa eek u  dagaalamay deegaanka  Bacaha  ay  usoo  xuleen   turxaan   bixinta    dirirtii labada reerood  dhex martay  ee  dadku ku nafwaayeen.

Kulan kan    waftidu  caawa  la qaadatay  ayaa  lagu  goaaminiyey   khalifta  khilaafaadka   lagu   galo    afar geesood  ka  gooban  gudiyarada  labada ardaa ee dirirtu  dhex martay , Gudida Xukuumada  iyo   gudi  dhex-dhexaada   iyadoo isla goobtaasi  lagu  dhaariyey  gudida  dhex dhexaadka ah  ee  khilaafka  labada ardaa ka  garnaqaysa.

Gudidan  la dhaariyey  waa gidi  dhexa oo ka madax  banana  labada ardaa   halka  gudida  xukuumada  uu  hor  kacayo  guddoomiyaha  Gobolka Sanaag.

Gudiyadan  afar  geesoodka ah  ayaa si mug leh  uga  hawl gali  doona  dhamaystirka    iyo  turxaan   bixinta    tabashooyinka  labada beelood  ee dirirtu  dhex martay

IMG_4426 - Copy IMG_4430 - Copy IMG_4432 - Copy IMG_4433 - Copy IMG_4434 - Copy IMG_4435 - Copy IMG_4436 - Copy IMG_4438 - Copy IMG_4446 - Copy IMG_4449 - Copy IMG_4451 - Copy IMG_4452 - Copy IMG_4455 - Copy IMG_4456 - Copy IMG_4460 - Copy IMG_4465 - Copy IMG_4474 - Copy IMG_4475 - Copy IMG_4485 - Copy IMG_4488 - Copy IMG_4489 - Copy IMG_4508 IMG_4513 IMG_4516 IMG_4517 IMG_4518 IMG_4519 IMG_4538 IMG_4555

admin