Odayaal Kasocday Somaliland Gaar Ahaan Deegaanka Jaamac-dubad Oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalilada Ethiopia.

Jigjiga(SLI)- Sulaadiin Iyo Madax Dhaqameed Ka Socda Somaliland Gaar Ahaan Deegaanka Jaamac Dubad ee Dhawaan Ciidamada Liyuu Bolisku ku Laayeen Dadka Shacabka Ahaa oo maalmahanba ku sugnaa magaalada Jigjiga ayaa kulan la qaatay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo wasiirka xafiiska shaqaalaha iyo arimaha bulshada mudane Axmed Koore /

Odayaashan oo isugu jiray ugaasyo, suldaamo iyo caaqilo ayaa waxaa hogaaminayay ugaaska guud ee beesha habaryoonis Ugaas Xuseen Xaaji Geele.iyadoo ay kuwehelinayeen suldaan maxamad xaaji cabdilaahi xirsi, suldaan maxamed yuusuf xaaji faarax, jiif caaqil cali axmed maxamuud iyo jiif caaqil baashe muuse dhiif

Waxayna odayaasha iyo xukuumadu kawada hadleen sidii nabad loogu soo dabaali lahaa arinta xuduuda gaashaamo iyo shacabka dagan islamarkaana xal waara looga gaadhi lahaa arimaha kontarabanka ama ganacsiga sharci darada ah ee salka u ah dhibaatooyinka xududaha.

Dhanka kale, odayaasha ayaa cadeeyay inaysan hada jirin wax dhibaato ah oo shacabku si nabadgelyo ah kuwa dagan yahay. Iyo in cida keentay dhibaatadii hore ay ahaayeen dad aan deegaanka udhalanin balse gabbaad kadhigtay shacabka deegaankaas. Odayaasha ayaana intaa kudaray in xal kagaadhida arintaasina ay utaalo xukuumada DDSI iyo shacabkeeda oo kali ah balse aysan waxba kagalin warxumo tabiye aan deegaanka ahayn.

Ugudanbayna waxay xukuumada iyo odayaashu isku afgarteen inay jiridoonaan shirar wada-tashi ah oo xarunta deegaanka iyo gaashaamaba ka dhici doona

admin