Wafti Wasiiro Ah Oo Uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Jig-Jiga Ee Caasimada Dawlad Deegaanka Somalilada Ethiopia.

Jig-JIga( SLI)- Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran Cadde oo ay wehelinayaan Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Sacad Cali Shire, Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta Maxamed Ilka Case, wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Iyo Tiknolojiyada, iyo Agaasimaha Wasaarada Madaxtooyada.
Waftidan oo socdaal shaqo uugu anbo baxay dalka Ethiopia ayaa wafti wasiiro ah Oo Ka Tirsam Ismaamulka Dawlad Deegaanka Somalilada Ethiopia ay si diiran uugu soo dhaweeyeen Magaalo Xadeedka Wajaale halkaasi oo ay usii galbiyeen magaalada Jigjiga Ee Caasimada DDSI.
Waftida ayaa ka hor intii aan loo sii galbin magalaada Jigjiga waxa ay warbaahinta kula hadleen magaalo xadeedka wajaale waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland mudane Sacad Cali Shire oo sheegay inay magaalada jig-jiga joogi doonaan muddo laba maalmood ah halkaasi oo madaxweynaha dawlad deegaanka ay kala hadli doonaan Shaqo oo la xidhiidha Xidhiidhka Labada Dal.
Wasiirka oo arimahaasi ka hadlaya waxaa hadaladiisii kamid ahaa “waxaanu u soconaa hawl shaqo oo la xidhiidha xidhiidhka labada dal waxaanu aad uugu faraxsanahay madaxda wasiirada oo si diiran halkan noogu soo dhaweeyey isha allaahu waxaanu joogi doonaa laba maalmood”
Ugu danbayntii waxaa halkaasi ka hadlay mid kamida wasiirada Dawlad Doonaanka somalilada Ethiopia oo sigu si diiran usoo dhaweeyey waftida waxaana uguu sheegay inay ku faraxsan yihiin imaatinka waftida kuna soo dhaweynayaan deegaankoodii labaad caasimadoodi labaad si lab furan.
Intaasi kadib waftidan uu hogaaminayo waxaa loo galbiyey guri martida ee magaalada Jigjiga iyada oo dhamaanba waddooyinka loo sii xidhay waxaana halkaasi guriga martida ku qaabilay madaxweynaha dawlad deegaanka somalida Ethiopia Maxamuud Cabdi Cumar iyo madaxweyne ku xigeenka.

 

admin