Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Badhasaabada Iyo Maayirada Dalka Ku Amray Inay Si Weyn Uga Qayb Qaataan Salaada Roob Doon ah Oo Maalinta Isniinta Dalka Oo Dhan Laga Oogi Doono

Hargaysa (SLI)- Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 31/01/2016 ku amray dhamaanba badhasaabada iyo maayirada dalka inay si weyn uga qayb qaataan tukashada salaad roob doon ah taasi oo madaxweynaha JSl ku dhawaaqay.
Wasiirka ayaa saaka taar u kala diray dhamaanba gobolada kala duwan ee dalka Jsl kaasi oo ku amraayey dhamaanba Badhasaabada iyo Maayirada Dalka .
Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde oo la hadlaya dhasaabada iyo maayirada dalka waxaa hadaladiisii kamid ahaa “Aniga Oo Filinaya Amarka Madaxweynaha JSL Ee Ku Saabsanaa Salaada Roob doonta Ah Ee Uu Ku Dhawaaqay In Maalinta Isniinta Ah Ee Bishu Tahay 01/02/2016 Dalka Oo Dhan La Oogo Salaada Roob Doonta .
Waxaan Dhamaan Badhsaabada Iyo Maayirada Dalka Farayaa In Ay Si Wayn Uga Qayb Qaataan Salaada Roob Doonta Ee Uu Madaxweynuhu Ku Dhawaaqay.
Sidaa Darteed Waxaa Mar 2aad La Idinku Adkaynayaa In Aad Ka Qayb Qaadataan Isla Markaana Aad Bulshada Ku Wacyi Galisaan Salaada Roobdoonta”.

Jamaal Cabdi Muxumed
Afayeenka W. Arrimaha Gudaha

admin