Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Oo U Hanbalyeynaysa Ciidamada Qaranka Sannad Guurada 22aad Ee Aas Aaska Ciidanka Qaranka

Hargaysa(SLI)- Anoo ku hadlaya magacayga iyo ka wasaaradda arrimaha gudaha waxaan hambalyo u diyarayaan dhamaan ciidamada kala duwan ee dalkani jamhuuriyada somaliland nafahooda iyo qoysaskoodaba meelkasta oo ay ku sugan yihiin.
Waxaan qirayaan in maanta oo ku beegan maalinta hubkadhista ciidamada 22-sano ka hor maanta oo kale 1994-kii in ay tahay maalin taariikhiya isla markaana gundhig u ahayd aasaasida tiir kamida tiirarka dawladnimo ka ugu mudan oo runtii ah ciidamada aynu maanta ku dhaadano ee heeganka u ah dalkooda iyo dadkooda .
Waxaan ku hambalyaynayaa hawsha qaran ee aan nasashada lahay ee ay dhex u xidheen uguna badheedheen inay naftooda u huraan difaacida dalkooda iyo cidkasta oo isku dayda inay waxyeelayso shacabkooda.
Waxaan mar kale ilaahay naxariis u weydiinayaa inuu janatul fardawka ka waraabiyo dhamaanba geesiyaashii naftooda u huray dalkan ee kamid ahaa ciidamada kala duwan, Qaranka Somaliland iyo qosaskoodana waxaan leeyahay ilaahay Samir iyo iimaan saadiqa ha inaga siiyo,
Maanta oo ku taariikhaysan Maalintii Hubka dhigista Ee Bilowgii Hanaanka Dawladnimo waa Maalin Xusuus Gaara Leh waa maalin inagu dheer waa maalin aan la ilaawi doonin taas oo aasaas Gun dhig ah u ahayd qaranimadeena Somaliland ee qaangaadhka ah waxaanan u ducaynayaa shaqsiyaadkii gacanta ka gaystay oo aan maanta ka xusi karo Madaxaweynihii Jamhuuriyada Somaliland ee Xiligaa Allaha u Naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo sidoo kale Allaha u Naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo isagu soo xareeyey hubkana ka dhigay guutaadii Sancaani 1994
Waxaan mar 2aad iyo mar Sadexaadba bogaadinayaa Ciidanka Qaranka Somaliland meel ay joogaanba waxaanan qirayaa in ay yihiin Ciidan hufan oo kor u qaaday hannaankeena dawladnimo.

Jamaal Cabdi Muxumed
Afayeenka Wasaaradda arrimaha Gudaha

admin