Madaxweynaha JSL Mudane Siilaanyo Oo Dhagax dhigay Dhismaha Taliska Guud ee Ciidanka Booliska.

Hargeysa (SI) -Dhagax-dhiga Dhismaha Cusub ee Taliska Booliska Somaliland ayay gacan weyn ka geysan doontaa Dawladda Ingiriiska oo iyagu horena u dhisay dhismeyaal qadiimi ah oo ay dhiseen taariikhdu markay 1936-kii iyo qaybta danbe oo ay dhiseen 1942-kii, maanta oo taariikhdu tahay 20.01.2016-kana waxay balanqaadeen dhismaha taliska guud oo noqon doono mid casri ah oo la rajaynayo in muddo sannad ka yar lagu dhamaystiro, sidaa awgeedna uu madaxweynuhu dhagax-dhigo isla gaabta laga binayndoono dhismahaasi.

Madaxweynaha oo dhagax-dhigaa ka hadlay ayay hadaladiisa ka mid ahayd”Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan mashruucan muhiimka ah dhagax dhigo, aadna waxan ugu mahadcelinayaa dawladda Ingiriiska iyo cid alle cidii innagala qaybgashay mashruucan dhismihiisa, muhiimad weynbuu u leeyahay Qaranka Somaliland illaahayna waxaan inooga rajaynayaa inuu guul weyn inaga gaadhsiiyo insha allaahu tacaala”.

Author: admin
Tags