Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo maanta Dawladaha hoose ku amray Inay Dadweynaha u furaan meelo ay iska diwaan galiyaan oo ay ka helaan card-ka dhalashada

Hargaysa(SI)- wasiirka wasaarada arrimaha gudaha ayaa maanta shir jaraa’íd oo ku qabtay xarrunta wasaarada kaga hadalay dadka ajaanibka ah dalka ku sugan .”
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa bulshada uga digay gacan siinta dadka ajaanibka ah isaga oo intaasi ku daray in cidii lagu qabto sharciga la horgeyn doono waxaana hadaladiisii kamid ahaa
“waxaan dadweynaha ogaysiinaynaa cidkasta oo lagu qabto iyada oo gacan siinaysa si sharci darro ah qof aan dalka sharci ku joogin ama kusoo galin inay mutaysan doonto xadhig waxaana la horgeyndoona sharciga, gaadiidka lagu qabto iyagoo si sharci darro ah dalka usoo galinaya dad ajanabi ah oo aan fiisa lahayn ama aan sharci dalkan ay ku joogaan lahayn marka hore waxaa la ganaaxi doonaa lacag dhan kun dollar ( $1000 )gaadhigana waa laga dhigi doonaa hadii mar labaad lagu qabtana waxa si toosa loogala wareegi doonaa gaadiidkii lagu qabtay isagoo si sharci darro ah dad ajanabi ah dalka ku soo galinaya ”
Dhinaca kale wasiirka waxa uu baaq u diray dadka muwaadiniinta ah ee aan wali qaaday card-ka dhalashada Somaliland waxaana hadaladiisii kamid ahaa “waxaan ugu baaqayna dadka muwaadiniinta ah ee aan wali qaadan card-ka muwaadiniinta inay si degdega u qaataan si ay uga nabad galaan dhibaatada kaga iman karta xadka oo la kaantaroolayo haday tahay jeg pion-tiyada haday tahay magaalada haday tahay marka wadanka lasoo galayo iyo marka laga baxayo si aanay dhibaatadaa ula kulmin waa inay qaataan card-ka dhalashada maadaama oo ajanabigii aynu saaray wixii joogana u samaynayo sharci ay ku joogaan”
Sidoo kale wasiirku waxaa uu amar ku bixiyey in dhamaanba dawladaha hoode ee gobolada iyo degmooyinku inay bulshada u furaan goobo ay iska diwaan galiyaan waxaana uu yidhi
“Waxaan halkan dawladaha hoose ka amrayaa dhamaan gobolada iyo degmooyinka inay dadka u furan meel ay iska diwaan galiyaan oo ay ka helaan card-ka aqoonsiga jinsiyada Somaliland si ay ugu fududaato inay dadku is diwaan galiyaan waxaanaan jeclahay inay si dhakhso ah u fuliyaan kaadhkaa oo wax kastaa inanaga xidhmi doonaan isaga oo dhawaan laga dhigi doono lacag laakiin hada dawlagu ugu fududaysay bulshada inay ka faaíidaystaan . meelaha diiwaan galinta codbixiyayaashu ka socoto qofku waxaa uu ka heli doonaa docmentry laga buuxin doono kaasi oo marka uu is diwaan galiyo uu la tagi doono meesha ugu dhaw ee uu ka heli karo card-ka dhalashada”

admin