Hargaysa (SLMOI)- Wasiirka wasaarada arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ( Faratoon) iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Amb. Cabdi Fataax Siciid Axmed ayaa maanta kulan xaasaasiya la yeeshay U Qaabilsanaha Somaliland Iyo Somaliya iyo geeska Africa Ee Haayada UNICEF Mr Steven Lauwerier oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Kulan ayaa lagaga wada hadlay mashruuca ay haayadani gacanta ku hayso ee dhimashada iyo dhalashada caruurta yaryar kaali oo ka socdal lix demo halka imika lagu daray 4 Degmo oo kale .
Ugu horeyn agaasimaha guud ee wasaarada Arrimaha Gudaha Amb. Cabdi Fataax Siciid Axmed ayaa ka waran mashruucan iyo waxtigii la bilaabay iyo ilaa hada goobaha uu ka socdo “Aniga oo sharaxaad guud kabixinaya mashruucan Dhalashada iyo dhimashada caruurtu waxa uu bilaabmay 2013kii isagoo wakhtigaasi ku bilaabmay sadex Degmo halka mar dhexe laga dhigay lix degmo Hana laga dhigayo 10 Degmo oo u kala qaybsan 6 degmo oo hore iyo 4 degmo oo cusub degmooyinkaasi o kala ah Berbara, Hargaysa, Burco, Borama , Laascaanod, Ceerigaabo, Gabiley, Caynaba Oodweyne Iyo Saylac.”
Dhinaca Kale Mr Steven Lauwerier oo ah u qaabilsanaha haayada UNICEf Somaliland iyo Somaliya oo dhankiisa aad ugu farxsanaa kulankan ayaa sheegayn in mashruucan uu yahay mid muhiimad u leh Somaliland islmarkaana iyadoo ah qaran aan wali la aqoonsan hada ay ka hir galeen waxyaabaha ay dwladaha caalamka qaarkood aanay qabsan isaga oo aad u bogaadiyey mashruucan oo uu sheegay inaanu somaliya xataa ka hirgalin waxaana uu sheegay in mashruucani uu sii socon doono.
Mashruucan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee ka hirgala guud ahaanba geeska Africa iyadoo ilaa hada shahaadooyinka dhalashada la guddoonsiiyey 1060,000 oo caruura.
Mashruucan oo ah Laba qaybood oo kala ah dhalashada iyo dhimashada caruurta iyo waliba guurka iyo furniinka ayaan ilaa hada aan gaadhin qaybtii labaad iyadoo sida ay madaxdu sheegeen dhawaan la bilaabi doono qaybta labaad.
Kulankan oo u badnaa mid warbixin ah ayaa Wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaarada waxaa ku wehelinaayey agaasimaha waaxda dhalashada ee wasaarada Maxamed Jibriil madaxa laanta diwaangalinta maxamed jaamac Colow iyo lataliyaha Wasaarada Arrimaha Gudaha C/kariin cabdi aadan.
Halka U Qaabilsanaha Somaliland Iyo Somaliya Ee Haayada UNICEF Mr Steven Lauwerier ay wehelinayeen Madaxa Xafiiska Somaliland Aamina Maxmed Iyo Madaxa Mashruuda bixinta Shahaadooyinka dhalashada .
Shirkan oo ahaa kii koowaad ee madaxda haayada ay isku arkaan wasiirka Arrimaha Gudaha Tan iyo Markii Loo Magacaabay xilka wasaarada.