Hargaysa (SLI)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa maanta ka qayb galay shirka Horumarinta degmooyinka ee JPLG kaasi oo saaka madaxweyne ku xigeenka somaliland si rasmiya uga furay hotel Ambasator.
Wasiirka Arrimaha gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir faratoon ayaa noqonaya wasiirkii ugu horeeyey ee wakhti siiya Shirka JPLG kaasi oo la qaatay wakhti dheer ka qayb galayaasha shirka si uu derso JPLG iyo gaadhiinta degmooyinka aanuu wali gaadhin.
shirkani ayaa lagu lafa gurayey sidii loo sii kordhinlahaa mashruuca oo hada ka shaqeeya 4 degmo isla markaana loo gaadhiin lahaa degmooyinka dhiman.
mashruucan ayey maal galiyaan haadaha kala duwan ee ku xusan sawirada iyado shirkani socon doono muddo sadex maalmooda