Hargaysa(SLI)- shir ay iskugu yimaadeen komishanka doorashooyinka qaranka somaliland axsaabta qaranka iyo xukuumada oo saaka ka qabsoomay wasaarada arrimaha gudaha somaliland ayaa goáan midaysan laga soo saaray sidii diwaan galin looga qaban lahaa 6 goobood oo waqooyiga ah kuwaasi oo muran gobolada ay raacayaan ku salaysani ka taagnaa.
shirkan oo ahaa mid warbaahita aan loo ogolayn oo ay debed joog ka ahayd ayaa waxa warbaahinta uga warbixiyey wasiirka wasaarada arrimaha gudaha somaliland waxaana uu shegay in la isku raacay in diwaan galin laga qabto goobahaasi.