Ceel Afweyn( Xafiiska Af-hayeenka)- Waftidii uu hogaaminayey wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland ee todobaadkanba ku sugnaa deegaanka Degmada Ceel afweyn ayaa caawa kulankii labaad la qaatay gudida labada ardaa eek u dagaalamay deegaanka Bacaha ay usoo xuleen turxaan bixinta dirirtii labada reerood dhex martay ee dadku ku nafwaayeen.
Kulan kan waftidu caawa la qaadatay ayaa lagu goaaminiyey khalifta khilaafaadka lagu galo afar geesood ka gooban gudiyarada labada ardaa ee dirirtu dhex martay , Gudida Xukuumada iyo gudi dhex-dhexaada iyadoo isla goobtaasi lagu dhaariyey gudida dhex dhexaadka ah ee khilaafka labada ardaa ka garnaqaysa.
Gudidan la dhaariyey waa gidi dhexa oo ka madax banana labada ardaa halka gudida xukuumada uu hor kacayo guddoomiyaha Gobolka Sanaag.
Gudiyadan afar geesoodka ah ayaa si mug leh uga hawl gali doona dhamaystirka iyo turxaan bixinta tabashooyinka labada beelood ee dirirtu dhex martay