Wasiirka Arimaha Guddaha iyo Amniga Jsl oo Xafiiskiisa kulan Gaara kula Qaatay Guddida isku Dhafka ah ee Hirgelinta Caymiska Gaadiidka

Wasiirka Arimaha Guddaha iyo Amniga Jsl oo Xafiiskiisa kulan Gaara kula Qaatay Guddida isku Dhafka ah ee Hirgelinta Caymiska Gaadiidka,

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Iyo Amniga Cabdalle Maxamed Carab ayaa Maanta Kulan Hawleed Shaqo Xafiiskiisa Kula Qaatey Guddida isku Dhafka ah ee Hirgelinta Caymiska Gaadiidka, Masuuliyiintan oo Ka koobnaa Wasiir ku- Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Maxamed Cabdimalik Axmed, Gudoomiye Kuxigeenka Caymiska Qaranka iyo Xubno kale oo ka tirsan Guddida.

Kulankan Oo ujeedadiisu daarneyd in Masuuliyiinta iyo Guddida Hirgelinta Caymisku Warbixin Ka siiso Wasiirka Halka ay Mareyso Hawlqabadka Hirgelinta Caymiska Gaadiidka iyo Wakhtiga la dhaqangelinayo.

Ugu danbeyn ,Wasiirka Ayaa uga Mahadnaqey Masuuliyiinta sida hawl-karnimada leh ee ay Hawshan uga Warbixiyeen iyo in ay mihiim tahay in la dhaqangeliyo, sidoo Kalena wuxuu wasiirku balanqaadey in Wasaaradd ahaan kala shaqeynayaan Hirgelinta Caymiska Gaadiidka dalka.

Bashiir Abdi Abdilaahi
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga.

admin