Xukuumadda Somaliland oo Qalabka Casriga ee (RIS) oo Ciiddanka Qaranka Jsl Lagu Diwaangelinaayo la Wareegtay

Xukuumadda Somaliland oo Komishanka Doorashooyinka Qaranka KDQ JSL ayaa maanta Guddida Diiwaangelinta Ciidamada Qaranka ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Ku wareejiyey Qalabkii Diiwaangelinta (IRIS Biometric) iyo tababarayaashii heerka sare ee (TOTs) ee khibrad u leh nidaamka IRIS Biometric, si ay u noqdaan hawl-wadeennada (Operators) ka shaqeyn doona diiwaangelinta ciidamada Qaran JSL.

Qorshaha heer qaran ee hore Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) in Taariikhda Markii u horaysay Ciiddamadda kala duwan ee qaranku yeelan doonaan Diwaan habka Casriga ee Buda Indhaha lagu diwaangeliyey si loo sugo Tirada Saxda ee Ciiddamada kala duwan ok ay ku jiraan ciidamo beeleedada dalka ka samaysmay ee Ciiddanka qaranka horw isku kaashan jireen oo dowladdu si rasmi ah dhawaa iyagana ay qaramaysay.

admin