Hargaysa (SLI)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Abdi-fatah Sa’eed Ahmed oo ay wehelinayaan
wasiirka wasaradda Arrimaha Debada,
wasiirka wasaaradda Qorshayta,
wasiirka dawlaha wasaaradda Biyaha, iyo waliba madax kale oo tirro badan.
ayaa maanta galinkii danbe Xarunta wasaarada shir Kula Yeeshay Wafti Isku dhafa oo ka socday Jamacada carabta oo uu hogaaminayo ergayga gaarka ah ee xoghayaha jaamacada.
Shirkani oo qaatay muddo ku eeg saacad badhkeed ayaa wasaaradaha kala duwan ee shirkani u matalayey Somaliland ay kusoo bandhigeen Baahiyahooda aasaasiga ah.
“waxa maanta halkan inoogu yimi oo inala jooga wafti isku dhafa oo ka socda Jamacada carabta oo uu hogaaminayo ergayga gaarka ah ee xoghayaha jaamacada waxaanay inoogu yimaadeen sodaal xog ururin ah halkana maanta waxaa kula kulmay wasaarado fara badan dhamaana waxaanu isoo ban dhignay baahiyaha wadanka ka jira”. Director General of the Ministry of Interior Abdi-Fatah Sa’eed Ahmed