Hargaysa ( SLI)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancadde ayaa dhambaal Tacsiya u diray dhamaanba Dadkii ku Geeriyooday Roobkii Shalay fiidkii ka da’ay Magaalada Hargaysa ee Caasimada Somaliland Kaasi oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.
Wasiirka oo Socdaal Shaqo ku jooga Dalka Imaaraadka Carabta ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray kuna saxeexan yahay Af-hayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Jamaal Cabdi Muxumed waxaa uu u dhignaa sida hoos ku qoran:-
Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajucuun
Kulu fasun daa iqatul Mawt
Marka Hore Iyada oo lagu jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan Ilaahay waxaan ugu baryayaa inuu samir iyo iimaan saadiqa inaga siiyo Dhamaanteen gaar ahaana waalidiintii, qoysaskii, qaraabada iyo qaranka somalilandba Intii ku dhimatay waxyeeladii Raxmaad ilaahay ina siiyey, inta dhawaaca ah waxaan ilaahay uga baryayaa caafimaad qab degdega inuu ilaahay siiyo.
Raxmaadka ilaahay waa wax loo baahan yahay oo aan nooluhu ka maarmi Karin ilaahay nusqaantiisa ha inaga ilaayo bil ramadaan ayeynu ku jirnaaye.
Ciidamada amaanka, ciidanka dabdamiska iyo dawlada hoose oo runtii si laxaad leh uga qayb qaatay samoto bixinta dadkii roobabku qaadeen iyo kuwii guryuhu ku dumeenba aad ayaan ugu mahad celinayaa shacabkooda ayey gargaarayaan waana waajib qaran oo ay gudanayeen.
ALLAA MAHAD LEH
Af-hayeenka wasaarada arrimaha gudaha JSL
Jamaal Cabdi Muxumed