Laascaanood (MOI)- Wafti Balaadan Oo Ka Kooban Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Jsl Baashe Axmed Faarax Wasiirka Arrimaha Gudaha Jsl Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Boos Mire ,Badhasaabka Gobolka Sool, Taliyaha Qaybta Gobolka Sool Iyo Maayirka Gobolka Sool Ayaa Saaka Si Wada Jira U Dhagax Dhigay Dhismaha Taarabuunka Garoonka Kubada Cabta Ee Aadan Cade Stadium Ee Ku Yaala Magaalada Laascaanood.
Garoonkan Ayaa Sanadka Lagu Qaban Doonaa Ciyaaraha Gobolada Jsl, Iyadoo Garoonka Hore Loo Dhigay Rooga Cagaaran Ee Loogu Tala Galay Garoomada Caalamka .
Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Kamid Ahaa Masuuliyiinta Ugu Saraysa Ee Gobolka Muddo Billa Ku Sugnaa Ayaa Halkaasi Kasoo Jeediyey Hadalo Uu Ku Dhiiri Galinayo Dhalinyarada Iyo Bulshada Gobolka Sool