Laascaanood (MOI)- Shirkii nabadaynta beelaha walaalaha ah ee koonfurta gobolka sool dhawaan ku dagaalamay ee ka socday magaalada Laascaanood ayaa maanta lagu dhaariyey ergada shirka uga qayb galaysa labada beelood kuwaasi oo isku gayn ka kooban 42 xubnood.
Shirkan ayaa shalay ay si rasmiya guda galkiisa u furay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo in mudo ah isaga iyo wafti uu hogaaminayaa arrinka nabadaynta u fadhiyeen magaalada laascaanood waxaan furitaankii shirka ee shalay hawsha lagu wareejiyey culimada shir guddoonka .
Shirkan maanta oo ay shir guddoominayey Guddomiayha shirguddoonka shirka nabadaynta beelaha walaalaha ah ee koonfurta gobolka Sool Sheekh Axmed ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ergada labada dhinac oo ka kooban 42 xubnood, gudida dhexdhexaadka ah oo ka kooban 15 xunbood , culimada shirgudoonka oo iyaguna dhan 5 xubnood.
Halka ay dhinaca xukuumadana goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Golaha wakiilada Baashe Axmed Faarax, wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, wasiirka horumarinta Biyaha Saleebaan Cali Koore, Hogaanka Kormeerka Ciidanka Boliska , iyo Taliyaha Qaybta Boliska Gobolka Sool .
Ayaadaha Quraanka ee furitaanka u ahaa shirkaasi Kadib waxaa halaasi lagu dhaariyey cuqaasha iyo nin garboodka kala metalayey labada beelood ee dirirtu dhex martay oo dhan walba laga dhaariyey 21 Xubnood.
Dhaarta kadib waxaa gudoomiyaha shirku labada dhinac ku amray inay soo gudbiyaan Galdacwadeedyada ay ku kala doodayaan oo qoraala iyo dhinac walba labada qof ee u garamaya .waxaana lanbada dhinacba halkaasi ku gudbiyeen xubnaha labada ah ee dhanwalba iyagu matalaya una garamaya.
Intaasi kadin waxaa halkaasi ka hadlay afhayeenka shirgudoonka oo ergooyinka ku guubaabiyey habsami u socodka mudada lagu guda jiro shirka iyo habdhaqanka loobga baahanyahay .
Isku soo wada duuboo shirka ayaa ku dhamaaday waji degan iyaga oo maalinta bari ah la guda gali doona garnaqa labada dhinac iyada oo laysku dhagaysanayo xubnaha u garamaya labada dhinac.