Hargaysa ( Xafiiska Af-hayeenka)- Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland mudane cali maxamed Warancadde ayaa xafiiskiisa kulan kula qaaday madaxda haayada ARC oo fadhigeedu yahay Qadar.
Qaayada ayaa muddo ka shaqaynaysay gudaha Somaliland ayaa inta badan caawisa agoomaha iyo dadka danyarta ah ee reer Somaliland iyadoo dalka ka hir galisay Riiga biyaha ee Dhalinta Magaalada Hargaysa Qaybintii Raashinkii abaaraha ee xeebaha Somaliland iyo Xarunta agoomaha ee Kuwaitiga oo ay kaalin laxaadleh ka qaadatay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Madaxda haayadan ayaa manta ka wada hadlay sidii loo sii xoogin lahaa deeqaha iyo taageerida dadka jilicsan .
Wasiir Warancadde ayaa ku hanbalyeeyay wax qabadka balaadhan ee dalka ka qabteen haayada ARC isaga oo sheegay in looga baahan yahay inay intaa kasii laban laabaan isla markaana ay gaadhsiiyaan gobolada kale ee dalka.
Masuul u hadlay dhinaca ARC ayaa dhankooda wasiirka ka dalbadan inuu kala shaqeeyo dhinaca amniga isaga oo tilmaamay in amaanka Somaliland yahay mid lagu faano .
Ugu danbayntii labada dhinac waxa ay isla qaateen taageerida iyo horumarinta dadka danyarta ah in laga wada shaqeeyo.