Shirka Nabadaynta Ee Ka Socda Deegaanka Ceel Afweyn Oo Maanta Mar Kale Lagu Dhaariyey Xubno Kamida Beelaha Gobolka Sanaag Dega.

Ceel Afweyn (MOI)-  shirkii  nabadaynta  beelaha deegaanka ceel afweyn ayaa  maanta  mar kale  lagu  dhaariyey   Qaar kamida beelah  dega Gobolka Sanaag si  nabadaasi  gobolka  oo  dhan  uga  hirgasho.

Shirkan ayaa sidii  caadada ahayd waxaa shir gudoominayey  shir gudoonka  ergadu  u  xulatay   shirka  ee culimada u  badan  waxaana   kasoo   xaadiray  Xidhayaasha  labada  dhinac iyo   dhamaan   beelaha  kasoo kala jeeda  labada dhinac ee loo  garnaqayo.

Madasha  shirka  ee  ka  socda  hoolka shirarka  ee  guriga martida Degmada Ceel Afweyn  ayaa  waxa  lagu   dhaariyey  20  xubnood oo dhan walba ay ka  socdaan  10 Xubnood.

Dhaarta  xubnaha  kadib  waxaa shir gudoon  ka  dalbaday  labada  dhinac inay  jir guddoonka usoo  gudbiyaan  jawaabihii  garnaqsiga  dhan walba waxa uu ka  qabo , dhiig  waxa uu  qabo, Duugid , magta jufida iyo  magweyn waxa ka  maqan iyo  waxa lasiiyey sidoo  kale waxaa intaasi shir gudoonku  raaciyeen  inay  keenaan   lifaaqa heshiisyadii ay  labada dhinac  hore u  wada galeen.

Labada dhinaca ayaa  madasha  shirka   ku  wareejiyey  dhaamaanba dalabaadka  uu  shir guddoonku  ka  codsaday .

Ugu  danbayntii  sheekh Cumar Sheekh Maxamed Dirir oo shirkaasi  soo  xidhay  ayaa  sheegay  in  inta  ka horeysa  bari  galinka danbe  shirku  xidhan yahay.

Dhinaca Kale waxaa halkaasi  baaq nabadeed diray  ergada beesha ayuub   ee kamida  ergooyinka  nabadaynta u jooga degmada Ceel Afweyn.

Goordhaw filo  muuqaal:

 

admin