Ceel Afweyna (MOI)- Shirka nabadaynta beelaha walaalaha ah ee deegaanka Ceel Afweyn oo saaka u furmay si habsami ah ayaa lagu guda galay garnaqa labada dhinac ee Dagaalada soo noqnoqoday dhex martay.
Shirkan oo saaka u furmay si habsami ah ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaanba ergooyinka nabadaynta beelaha soomaaliland ee iyagu xalinta colaadan u yimi deegaanka ceel afweyn culimada udiinta garta goyn doonta ee maxkamada qaadi doonta iyo ergada beelaha loo garnaqayo ee labada dhinac.
Ugu horeyn waxaa shirka si habsami ah u furay Afayeenka shirka oo halkaasi kasoo jeediyey ajandaha shirka ee saaka kaasi oo ahaa in la guda galao ka garnaqa labada dhinac oo qolo walba ay garta ugu qayb gali doonto Sadex nin intooda kalena ay dhagaystayaal noqondoonaan.
Garnaqsi dheer kadib shir guddoonku waxaa waxa ay shirka ku war galiyeen in maanta ajanduhu ku ekaa garnaqsiga oo la dhagaysanayey shirkuna sidaa ku xidhan yahay ,
Shirka ayaa saaka si habsami ah u furmay isla markaana soconayey ilaa 2:00pm duhurnimo
Ugu danbayn shirguddoonka shirka nabadaynta ceel afweyn waxay baaq nabadeed u direen beelo walaalo ah oo oo saaka subaxnimadii hore dagaal ku dhex maray deegaanka Ceeryaan kuwaasi oo ay ugu baaqeen inay nabada ilaaliyaan oo ka daliyaan nabad waarta.