Ceel Afweyn (MOI)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane cabdiraxmaan cabdillaahi Saylici iyo waftidii uu hogaaminayey ayaa saaka si rasmiya u furay shirka nabadaynta beelaha walaalaha ah ee Degmada Ceel Afweyn,.
Shirkan saaka ka furmay hoolka shirarka ee guriga martida ee degmada ceel afweyn ayaa waxaa Goobjoog Ka Ahaa Waftida Xukuumada oo uu hogaaminayo Madaxweyne Ku Xigeenka JSL kuna Weheliyaan Wasiirada Arrimaha Gudaha, Ciiyaraha, diinta iyo Afqaafta, Xanaanada Xoolaha Iyo Walluumaysiga, qoyska iyo shaqo galinta, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta iyo saraakiisha ciidamada boliska iyo milatariga.
Sidoo kale waa goobta ku sugnaa Dhamaanba Ergooyinka Beelaha Kala Duwan ee Daga Dhulweynaha Somaliland Bari Ilaa Galbeed, Culima u diinka, Dhinaca kale waxaa iyaguna shirka kasoo qayb galay Labada beelood ee shaqaaqadu dhex martay gudidooda iyo xidhayaashooda oo ahaa sulaadiinta guud ee beelaha ay kasoo kala jeedaan.
Shirka ayaa waxa furay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Isaga oo labada dhinaca ee hawshooda loo fadhiyo ku booriyey in aanay dawladu ku jirin garsoorka oo ay garta qaadi doonaan Culimada iyo Ergooyinku sidoo kalana ay xuumadu masuul ka tahay nabada iyo xasiloonida shirka iyo ta deegaankaba .
Dhinaca kale waxaa halkaasi Hadalo kasoo jeediyey wasiirada arrimaha gudaha , Wasiirk Ku Xigeenka Warxaafinta, Wasiirka Qoyska iyo shaqo galinta , wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Dhalinyarada
Waxaana ay dhamaantoodba iska daba mareen qiimana nabadu leedahay iyo inay dabadu ka tahay garnaqa labada reer oo kaliya ay ka ahaan doonaan goob jog.
INtaasi Kadib Waxaa Si Habsami Ah Maamulka Shirka Ula Wareegay Culima Udiinka Oo ah gudida ka garnaqa dacwada Beelaha Walaalaha ah ee wada dega deegaanka Degmada Ceel Afweyn .
Waxaana ay usoo jeediyeen Ergooyinka Labada dhinac ee loo garnaqayo laba qodon oo kala ah:
Waxaa halkaasi ka hadlay xunbo kamida Shir guddoonka oo ahy kamid yihiin xubnahan hoos ku qoran
Xubnahaasi oo dhamaantoodba si qoto dheer uga hadlay saamaynta iyo dhibaatada ay colaadu leedahay iyo diinta waxyaalaha ay ka tidhi
Goordhow daawo warkan oo muuqaala