Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha, wasiirka diinta iyo aw-qaafta, iyo wasiirka xannaanada xoolaha iyo kaluumaysiga oo iyaguna si weyn dadka shacabka ah ugu booriyay qiimaha nabada iyo ilaalinta midnimada ummadda ku dhaqan deegaamadaasi.
Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna qayb ka ahaa wafdigani islamarkaana maanta soo gaadhay magaalada Ceel-afweyn oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay waxa uu baaq dheer u diray dadka sawirka xun ka faafinaya waftiga nabadaynta ee sheekha iyo shariifkaba leh waxaanu yidhi Guddomiyuhu
“Colaadda dadkan walaaha ah cadaw badan ayaa ka faa’idaysanaya waxay inagu noqotay bar xun inagoo ogsoon halgankii qadhaadhaa ee aynu soo marnay inaynu maanta innagii is qabsano idinkoo og dagaalka iyo colaadda inagu socota, maanta ninka ergadaa aanu nahay diida inkaar ayaa ku dhacaysa wax shuruuda oo lagu xidhaana waa in aanay jirin”ayuu yidhi Guddomiye Faysal Cali Waraabe.
Madaxweyneku-xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo soo gunaanaday shirkaasi jaraa’id ayaa halkaasi ka akhriyay 4 qodob oo lagu adkaynaayo nabad-galyada laguna gogol xaadhayo shir-weynaha nabada ee deegaanka waxaanu yidhi
“Waxaan halkan kasoo jeedinayaa 4 qodob oo aanu ku amrayno cid kasta oo qayb ka ah colaada ceel afweyn.
1. In ciidamo beeleedyada nin waliba uu ku sugnaado halkii loo qorsheeyay.
2. In Ciidamadaas cidii ka tirsan ee lagu arko meel aan ahayn meeshii loo qorsheeyay loo aqoonsanayo inay yihiin fidmo wadayaal.
3. In Ilaalinta dhaq-dhaqaaqyada ciidamada hubaysan ee beelaha ay masuul ka yihiin ciidamada Qaranka Somaliland
4. In Ilaalinta nabad-galyadu ay tahay danta guud ee qaranka, gaar ahaan danta Ceel-afweyn, waxaanu xil-buuxa naga saaran yahay soo afjarida mashaqadaas.