Waftidii Nabadaynta Ee Madaxweyne Ku Xigeenka Jsl  Hogaaminayey  Oo Kormeer Indho Indhayna  Ku  Tagay Jidka  Wadada Ceerigaabo Ee Isku Xidha Ceel Afweyn Iyo Ceerigaabo

Ceel Afweyn (Moi)- Waftidii Uu Hogaaminayeweyne Ku Xigeenka Somaliland Ee Arrimaha Nabadaynta  U Joogay Deegaanka Degmada Ceel Afweyn  Ayaa  Saaka  Kor Meer Indho Indhayna  Ugu   Baxay   Dhismaha Jidka  Wadada Ceerigaabo.

Waftidan   Ayaa  Ka  Kooban  Madaxweyne Ku  Xigeenka  Jsl, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Ciyaaraha, Wasiirka  Xanaanada Xoolaha Iyo Kalluumaysiga, Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Ee Amniga , Taliyaha  Ciidamada Boliska , Taliyaha  Ciidamada Birmadka Iyo Saraakiisha Ciidamada  Milatariga.

Waftidan  Uu  Hogaaminayo  Madaxweyne  Ku  Xigeenka  Jsl   Ayaa Degmada Ceel  Afweyn  Maalinimadaa Shalay  U  Yimi  Arrimaha  Nabadaynta  Beelaha   Walaalaha Ah  Ee  Dhawrka  Jeer  Shaqaaqadu   Dhex Martay Sidii  Loogu    Soo   Dabaali  Lahaa  Nabad Waarta  Isla Markaana  Bogooda  Burcad Layskugu  Marin  Lahaa.

Waaftida Ayaa  Iyaga  Oo  Hawlahooda  Shaqo  Ku  Gudaha  Jira Waxaa  Ay  Hadana  Si  Ay  Xogogaal  Ugu   Noqdaan  Arrimaha Bulshada  Kormeelkan  Ku  Tageen Jidka Isku   Xidha  Degmada Ceel Afweyn  Iyo Ceerigaabo  Halkaasi  Oo  Waftida  Uu  Uga  Warbixiyey  Mid Kamida  Injineerada Wadada  Dhisayaa.

Dhinaca   Kale   Ee Waftida Waxaa Halkaasi  Hadalo  Kooban  Ka Jeediyey  Madaxweyne  Ku Xidheeg  , Wasiirka  Arrimaha Gudaha  Iyo Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Waxaana Ay   Dhamaantoodba   Ku  Booriyeen  Shaqaalaha  Ku  Hawlan   Wadadaasi  Inay  Dedaal Muujiyaan  Isla  Markaaha  Hawlaha  Shaqo  Ee Ay  Garanka  U  Hayaan  Halkaasi  Kasii Wadaan .

 

admin