Cee-afwayn-(MOI)-Madaxweyneku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa gaadhay magaalada ceel-afweyn ee gobolka Sanaag,magaaladani oo in muda ah ay ka socdeen dagaalo u dhaxeeya dadka deegaankaasi wada daga.
Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo salaadiin tiro badan ayaa madaxweyne ku-xigeenka kusoo dhaweeyay magaalada ceel-afweyn.
Madaxweyneku-xigeenka ayaa kulan ballaadhan la qaatay madaxda dhaqameedkii ka kala yimi guud ahaan gobolada Somaliland ee nabad gelyada u joogay Ceel-afweyn hadalo kooban oo uu madax-dhaqameedka u jeediyay madaxweyne ku-xigeenku waxa kamid ahayd “Arrinta aynu u soconaa waa arrin nabad-galyo,waxaynu u baahan nahay in wax kasta oo ay inagu qaadanayso aynu nabad gelyo dhex-dhigno dadka walaalaha ah ee deegaankan,waa dad walaalo ah oo aanay waxba u kala soocnayan,hadana waa nasiib daro dagaalka dhex marayaa,hawshaas waxaynu u galaynaa sida ugu fiican”ayuu yidhi M/ku-xigeenku.
Sido kalana waxa uu madaxweyne ku-xigeenku kulan la yeeshay culimada ugu caansan gayiga Somalidu degto oo magaalada ceel-afweyn u jooga sidii ay u xoojin lahaayeen dadaalada nabad gelyo ee ay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ka waddo deegaanadaas ,culimada ayaa ballan qaaday inay si daacada u gali doonaan hawlaha nabadaynta deegaankaasi.
C