Hargaysa (MOI)- Shir Balaadhan Oo Ay Soo Qaban Qaabiyee Wasaarada Arrimaha Gudaha , Wasarada Qorshaynta , Haayada Maamul Wanaagda Iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa Iyo Haadayada Danida Ayaa Ka Qabsoomay Hoolka Shirarka Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland.
Shirkan Oo uu gudoominaayey wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa Ujeedadiisu Ahayd Sidii Kor Loogu Qaadi Lahaa Arrimaha Amniga Iyo Maamul Wanaaga Ayaa Waxaa Kasoo Qayb Galay wasaaradaha ku shaqada leh, haayadaha caalamiga ah iyo qaar ururada bulashada .
Shirkani ayaa si xoogan loogu lafa ffuray arrimaha amniga qaranka Somaliland maadaama wasaarad arrimaha gudu dalka u xil saran tahay amniga qaranka waxaana sidoo kale dhinac socday qorshaha iyo horumarinta laamaha kala duwan ee amniga.
Sagaalkii subaxnimo ee saaka ayaa si habsami ah u furmay shirkani waxaana kasoo qayb galay Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Qorshaynta , Ciidanka Boliska ,Ciidanka Dabdamiska, Iyo Ciidanka Laanta Socdaalka Halka Dhinaca Haayadahana Ay Kasoo Qayb Galeen EUCAP,MONPD, EU,OXFOM, UN, IOM,CPC OFFICE, NAGAD,SONYO, SONSAF IYO HRC.
Ugu danbayntii shirkan ayaa daba socday shirar maalmihii lasoo dhaafayba wasiirka arrimaha guduhu uu la qaadanayey Haayada Deeqbixiyayaasha ah ee dalka ka hawl gala.