Hargaysa( MOI)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Ayaa saaka xafiiskiisa Shir kula qaatay haayadaha kala duwan ee DANIDA, DDG, DRC, SEFER WORLD UNSOM Iyo EUCAP. Kuwaasi oo lamaantoodba ah haayadaha dalka ka hawl gala ee bixiya mashaariicda horumarineed Wasaarada Arrimaha Gudahana ka taageera dhinaca nabad galyada shaqeeya nabadgalyada
Shirkan ayaa u jeedadiisu ahayd sidii gobalada bariga Somaliland ee Sool Iyo Sanaag Loogu helilahaa nabad waarta isla markaasina loo gaadhsiinlahaa deeqaha caalamiga ah, mashaariicda horumarineed iyo shaqo abuur. Si loo jiheeyo bulshada deegaanadaasi oo u badan xoolo dhaqato xoolihii ka baxeen.
Dhinaca kale markii shirkaasi soo dhamaadaya ayaa Madaxda Haayada Iyo Wasiirkuba waxaa ay galeen shir kale kaasi oo ay kala soo qayb galeen Wasiirka Wasaarada Cadaalada , Agaasimaha Guud ee Gobolada iyo Degmooyinka , Agaasime waaxeedada Wasaarada, dalada ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF, iyo HRC.
Kulankaasi oo wakhti dheer qaatay ayaa aaraah iyo fikiro la isku weydaarsaday sidii xal loogu heli lahaa nabada ,