Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Gudida Nabadaynta Ee Golaha Guurtida Oo Fagaaraha Degmada Ceel Afweyn Kala Hadlay Ardayda,Waalidiinta Iyo Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada .

Ceel Afweyn (MOI)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Gudida Golaha Guurtida Ee Maalmahanba Socdaalka Xalinta Shaqaaqa u Joogay Deegaanka Ceel Afweyn ayaa Maanta Mar Kale Fagaaraha Badhtamaha Degmada Ceel Afweyn Isku yeedhay Ardayda ISkuulada, Macalimiinta, Waalidiinta Iyo dhaamba qaybaha kala duwan ee Bulshada oo ay halkaasi kala hadleen.

Munaasibada Fagaaraha ka dhacday ayaa waxaa halkaasi ka hadlay maamulka waxbarashada degmada Ceel Afweyn Macalimiinta Iskuulada , Xildhibaanada Guurtida Iyo degmada .

Guud ahaan dadka fagaarahani ka hadlay ayaa dhamaantoodba ka sinaa xalinta colaadaha soo noqnoqda ee beelaha walaalaha ah ee degmada hawdkeeda wada dega.

Waxaana ugu danbayn halkaasi bulshada iyo ardayda kala hadlay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland oo ugu baaqay in sidaa ay iskugu soo baxeen ay ugu gudtadaan inay nabadana u adkeeyaan oo ka fidmada wada iskaga dhex qabtaan.

admin