Waftidii Hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Oo Guda Galay Wajigii Ugu Horeeyey Ee Heshiisiinta Beelaha Walaalaha Ah Ee Deegaanka Ceel Afweyn iyo go’aamo hordhaca oo laysla qaatay.

Ceel Afweyn (MOI)- wasiirka arrimaha gudaha Somaliland iyo waftidii uu hogaaminayey ee maalmihii ugu danbeeyey u joogay xalinta shaqaaqada beelaha walaalaha ah deegaanka degmada ceel afweyn ayaa manta wajigii koowaad ee heshiisiinta la qaatay madax dhaqameedka iyo boqorada labada beelood ee Sacad Yoonis iyo biciido.

Shirka Wada Hadalka Waftida Wasiirka, Gudidada Golaha Guurtida , Badhasaabka Sanaag Iyo Labada Dhinac Ee Dirirtu Ka Dhaxayso oo ay weheliyaan culimada Gobolku Ayaa Ka Qabsoomay hoolka Guriga Martida Ee Degmada Ceel Afweyn,

shirkaasi oo ahaa mid warbaahintu dabad joog ka ahayd ayaa markii shirku soo dhamaaday waxaa warfidiyeenada la hadlay Badhasaabka Gobolka Sanaag oo ka war bixiyey qodobada layla qaatay waxaana hadaladiisii kamid ahaa.

“waxanu iskugu yeedhay inaanu farno goaamada ay ka doonayso xukuumada iyo guurtida khilaafkan dhexdhexaadinaysaba go’aamada hoos ku xusan.

inaan la arkin cid qori sidata oo lasoo gali karta magaalo, Tuulo iyo goob bulsho iskugu timaado oo ceel biyood ah, oo ay mabnuuctahay in la arko sidii markii hore madaxweyne ku xigeenku ku bixiyey cidii dhigi weydana xoog iyo cudud ciidan lagaga qaado.

Laga bilaamo maanta inaan la arki Karin wax ciidan beeleeda oo meel ku urursan cidii lagu arkana waxaa ku dhacaya cudud ciidan iyo duulimaad dawladeed

Waxa la go’aamiyey cidkasta oo hadal ama taakulay kaga qayb qaadata shaqaaqadaas inay sii huriso in laga qaado talaabo sharciga waafaqsan mansabkay doonto ha lahaatee

xukuumad ahaan waxaanu qaadanay inaanu soo diyaarino cida xidhaha u ah labadan qolo oo laga saaray Sacad Yoonis iyo Biciido . waxa raaca qodobadii iyo guurtidu usoo jeedisay oo ah in qolo walba 21 xubnood lasoo baxaan oo shirka uga qayb noqoto kuwaas oo ay ku jiraan dadkii dadku ka dhinteen”

ugu danbayntii badhasaabku waxaa uuu sheegay in todobaadkan gudihiisa ay bulshadu maqli doonto war fadxad leh oo kasoo baxa arrinkan.

Beelaha shaqaaqadu dhex martay ayaa markale shirkooda loo mudeeyey maalin khamiista iyada oo la siiyey muddo laba maalmood ah inay kusoo dhamaystaan wixii ka dhiman kuna soo diyaar garoobaan.

admin