Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Ku Xigeenka U Qaybsamaha Xafiiska Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoomay Mr. Peter De Clarcq.+Sawiro

Hargaysa (MOI)-Waasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa Xasiifkiisa ku Qaabilay wafti uu hogaaminayo Mr. Peter De Clarcq oo ah ku xigeenka u qaybsamaha xafiiska xoghayaha guud ee qaramada midoomay ee Somaliland iyo somaliya.

Kulankan oo manta galinkii danbe ka qabsoomay xarunta wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa waxaa wasiirka ku wehelinaayey Wasiirku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur, Agaasime waaxeedka Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka Iyo xumno kamida la taliyeyaasha wasiirka.


Shirkan ayaa ujeedadiisu ahayd tayeynta iyo kor u qaadida tayada ciidamada boliska iyo balaadhinta Mashruuca GPLG kaasi oo ladoonayo in la gaadhsiiyo dhamaan gobolada dalka.


Dhinaca kale waxaa dhankooda mahadnaq halkaasi kasoo jeediyey Mr. Peter De Clarcq oo ah ku xigeenka u qaybsamaha xafiiska xoghayaha guud ee qaramada midoomay ee Somaliland iyo somaliya isaga oo ka mahad sheegtay ciidanka SPU ee sida gaarka u ilaaliya haayada dalka ku sugan .

Image may contain: 1 person, sitting, table and indoor

Image may contain: 6 people, people smiling, people sitting, table and indoorImage may contain: 6 people, people sittingImage may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 7 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 1 person, sitting, table and indoorImage may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 5 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 7 people, people smiling, people sitting, table and indoor

admin