Xuska Maalinta Dhalinyarada Somaliland Oo Ka Qabsoontay Gobolada Dalka Iyo Khudbadihii La Jeediyey+Sawiro

Hargeysa(MOI):-Guud ahaan goboladda Somaliland waxaa Maanta si balaadhan looga xusay sannad guuradda 36-aad ee xuska maalinta Dhallinyarada Somaliland oo loo asteeyay 20-ka bishan, sidoo kalena ah maalintii Dhagax-tuurka ee 1982-kii oo sannad walba la xuso, waxaana munaasibaddii ugu weyneyd ay ka dhacday caasimadda Hargeysa oo uu ka soo qeyb-galay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Xuska ka qabsoomay caasimadda Hargeysa oo ay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Dalladda SONYO soo qaban-qaabiyeen ayaa waxaa ka qeyb-galay kooxda Baan-bayda ee Ciidanka Booliska oo ay daba socdeen Wasiirka Ciyaaraha, Maayarka Caasimadda, Badhasaabka Maroodi-jeex, Ardaydii ka qeyb-galay dhagax-tuurkii 1982-kii ee UFO, Masuulyiinta dallada SONYO, Ardayda Jaamacaddaha, Dugsiyadda sarre ee caasimadda iyo dadweyne aad u tiro baddan oo u baddan dhallinyaro. Waxaana guud ahaan socod laga soo bilaabay xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyada oo si toos ah lagu abaaray goobta Taaladda Dhagax-tuurka UFO ku taalo ee Maxkamadda Gobollka horteeda.

Markii la gaadhay goobtii Dhagax-tuurku uu ka dhacay waxaa ka hadlay kana xog waramay qiimaha ay maalintani leedahay iyo halgankii qadhaadhaa ee dhallinyaradii UFO kala hor-tageen taliskii macan-gaga ahaa ee Siyaad Barre Ardaydii UFO ee wakhtigaas 36-sanno kahor ka dhiidhiyey tacadigii iyo cabudhintii lagu hayey, Guddoomiyaha SONYO, Maayarka caasimadda, Badhasaabka Maroodi-jeex iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha waxaanay si wada-jir ah ugu duceeyeen dhamaan Ardaydii ku shihiiday dhagax-tuurkaas iyaga oo sidoo kale xubnaha ka noolna u rajeeyay nolol cisi iyo sharaf leh inay ku noolaadaan.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qeyb-galay Munaasibadda 36-guurada ka soo wareegtay maalinta Dhallinyarada Somaliland oo lagu qabtay Hotel Ambassador, waxaana sidoo kale iyaguna weheliyay Wasiiradda Ciyaaraha, Waxbarashadda, Arrimaha Bulshadda, waxaana Madaxweynuhu ka jeediyey khudbad qiimo baddan oo dhinacyo baddan taabanaysa, taas oo uu si waayo-arragnimo leh ugu hogo-tusaaleeyay muhiimadda ay xukuumaddu siisay da’yarta dalka iyo qorsheyaasha uu hoggaamiye qaran ahaan u hindisay horumarintooda. Guddoomiyaha Daladda SONYO Mr. Cabdicasiis Siciid Saalax iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Yuusuf Mire Maxamed (Boos) oo ka hadlay munaasibaddan ayaa ka hadlay qiimaha ay Dhalinyaradu leeyihiin iyo qiimaha ay maalintani ugu fadhido, waxaanay xuseen doorka muuqata ee taladda dalka qeyb muhiim ah uga yihiin dhallinyarada Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu horeyn ku dheeraaday doorkii lama illaawaanka ahaa ee dhallinyaradii ku bahowday ururkii UFO oo iyagu soo ibo-furay maalintani ku lahaayeen halgankii iyo xornimaddii dalka iyo dadkaba, isaga oo caddeeyay inay maalintani ku suntan tahay dharaar la daadiyay dhiigga da’yar mustaqbal ifaya lahayd, balse naf-hurnimo ku dhiirraday, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “36-sano ka hor maanta oo kale dhallinyarada reer Somaliland waxa ay u ahayd maalin madow, maalintaas oo ahayd mid xanuun baddan oo ay ku jireen halgan ay dhagax kala hortegayaan Taangi iyo Beebee, dhallinyaradii Somaliland joogtay waxa ay u ahayd maalin dhiigoodu daatay oo ay dagaal noociisu ku cusub yahay dunidda oo aan hore loo arrag ay galeen oo bilaabeen, lamana arrag odayaal dhuunta iyo Aabeyaal dhuunta oo carruurtooda dagaalka kusii daaya oo Hooyadoodna daba cararayso, haddii aan sidaas la yeelin oo aan dhiggaas loo hurinna maanta farxaddan iyo jawigan kumaynaan joogneen”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu madaxweynuhu intaas ku daray, “Adduunyada ma jirto halgan, horumar iyo taariikh aan nafta loo hurini, dadkana Ilaahay baa u kala abuuray oo qaar baa lagu hanuuniyaa inay nafta u huraan oo ay dhibaatada u qaataan inuu dadkoodu hore u maro, marka guusha la gaadhana inta badan dheefta laga badsado, haddii aan dadka noocaas ahi jirina inta badan dunidu hore uma marteen.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay dhallinyarada Somaliland ku dhaqani wajahayaan duruufo adag oo u baahan geesinimo iyo adkaysi dheeraad ah, waxaana uu si xeel-dheerinimo leh u da’yarta ugu sharraxay siyaabaha ay kaga gudbi karaan caqabadaha haysta “Dhallinyarada reer Somaliland maanta duruufo adag baa hor yaalla oo ay marmarka qaarkood niyad jabaan oo ay naftaba nacaan oo ay garan waayaan mustaqbalkaba meel ay u socdaan, aduunyadana inta la ogyahay mar walba way jirtaa xaalad adag oo kaa hortimaadaa, qofkana marka dhibaato ka hortimaaddo saddex tallaabo uun baa la gudboon, inaad dhuumato oo aad cararto, inaad is dhiibto iyo inaad wajahdo oo aad dhibaatadaas qaabisho, inta badanna waxa guulaysta qofka dhibaatada wajaha,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu markii ugu horraysay shaaciyey tallaabooyin lagu horumarinayo dhallinyarada reer Somaliland, isla markaana sed-buuran lagaga siinayo qorsheyaasha xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay, kuwaas oo ay ugu horrayso akoon-xisaabeed gaar ah oo lacago loogu shubay, waxaana uu yidhi, “Xukuumad ahaan waxaanu furnay Akoonkii dhallinyarada Somaliland hore loogu marinayey, waxaana aanu ku shubnay lacag dhan laba Bilyan iyo Badh Somaliland shilling ah, guddidii maamuli lahayd waanu abuuraynaa oo aanu eegi doono ama ka dhex abuuri doonno cidda kasoo qaybgasha, sidaas darteed ganacsatada ayaan aad u dhiirrinayaa oo haddii aanay qaybtooda ka qaadanin dhallinyarada halka aynu la doonayno gaadhi mayso, aqoonyahankana waxaan leeyahay waxa aynu aas-aasayno haddii aanay aqooni hoggaamin way inaga hor imanaysaa, markaa sidii guddida loo samayn lahaa waa in laga soo wada qaybgalaa”.

Dhanka kale waxaa xuskan maalinta dhallinyarada Somaliland Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Dallada heer qaran ee SONYO ay Aqoon yahanka iyo Ardayda kala duwan u qabteen tababar socon doona muddo laba cisho, kaas oo lagu darsi doono sidii looga gudbi lahaa caqabaddaha iyo duruufaha kala duwan ee ku xeeran guud ahaanba dhallinyarada Somaliland, iyada oo sidoo kalena lagu soo bandhigay siyaasadda heer qaran ee dhallinyarada Somaliland.

 

admin