Hargaysa (MOI)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Md: Mahamed Kaahin Ahmed, Wasiirku Xigeenka Wasarada Arimaha Gudaha Mahamed Muuse Diiriye, Agaasimayaasha Wasarada Cilmi C/Rahmaan Cashuur Iyo Xasan Nuur Abokor Iyo Dhamaan Shaqaala Waynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Waxay Tacsi tiraanyo leh Udiryaan dhamaan qoyskii iyo qaraabadi iyo dhamaan ciidanka booliska jsl Gar Ahaan Ciidanka Nabad Galyada Wadooyinka Iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland
Ee uu kabaxay Allaha Naxariistii jano haka Waraabiyee Taliyihii Ciidanka Nabedgelyada Wadooyinka Gobolka Togdheer,Marxuum Cabdilaahi Soo Fadhiiste oo caawa ku geeriyoodey Shil Baabuur kadib markii uu Baabuur ku jiidhey,agagaarka Huteelka Cigaal isagoo gudanaya Waajibaadkiisa shaqo.