Hargeysa(MOI)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Ayaa Kulan La Qaatay ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Michael Keating oo dalka booqasho ku jooga.
Kulankan oo Maanta Ka Qabsoomay Xarunta Wasaarada Arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa Wasiirka Ku Wehelinayey wasiirrada arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Wasaarada Cadaalada ,Cabdiqani Axmed Wasiirka Wasaarada Deegaanka Shugri ISmaaciil Bandare, iyo waliba xubno kale oo kamida golaha wasiirada
Kulankan Uu Wasiirku La yeeshay ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay ayaa ujeedadiisu ahayd is barasho dardar galin wada shaqaynta golaha wasiirada .