Hargaysa (MOI)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL Mudane Maxamed Kaahin Ahmed oo ay weheliyaan Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye Iyo Agaasimayaasha Guud ee Amniga Iyo Maamulka Shaqaalaha Gobolada iyo Degmooyinka ayaa saaka shir la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Shirkaasi oo ka qabsoomay Hoolka SHirarka ee Wasaarada .
Shirkan uu kaasa wasiirku la qaatay shaqaale weynaha wasaaradda ayaa ujeedadiisu ahayd isbarasho iyo is xog waraysi kaasi oo ay kalaasi ka hadleen xubno kamida shaqaalaha wasaaraddu kagana xogbixiyeen hawlaha shaqo ee wasaarada iyo waxtiyada ay soo shaqo tagaan.
Dhinaca kale agaasimaha guud ee wasarada Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur oo halkaasi ka hadlay ayaa ka xogo faahfaahsan wasiirka ka siiyey tirade shaqaalaha iyo waaxaha iyo madaxqeybeedada ay wasaaradu ku kala baxdo.
Ugu danbayna waxaa halkaasi shaqaalaha kala hadlay wasiirku Xigeenka iyo wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha .