Sool ( Xafiiska Af-Hayeenka)- Wasiirka Arrimaha Guddaha Jsl Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Ayaa Socdaal Dheer Ku Ku Kala Bixiyey Tuulooyinka Adhicadeeye, Tuulo Samakaab, Yagoori, Yeyle, Huftira, Goljano, Sululux Iyo Waliba Qaar Kale Oo Tiro Badan.
Socdaalkan Ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Ugu Kuur Galayey Sida Ay Tuulooyinkaasi Uaga Socoto Kaadh Qaadashadu Waxaana Dhamaantoodba Loogu Soo Dhaweeyey Si Mug Iyo Miisaan Leh.
Waxaana Uu Bulshada Ku Dhaqan Deegaamadaasi Ku Booriyey Sidii Ay U Qaadan Lahaayeen Kaadhkooda Si Ay Xag Ugu Helaan Inay Doortaan Hogaanka Dalka Ama Madaxweyaha Mustaqbalka,
“halka kan waxaa ka socda qaadashada kaadhka doorashada waxaad ogaataan in kaadhaasi waxbaadan idiin leeyahay waana kaa ku dooran lahaydeen qofka aad jeceshahay waa kaad ugu hiilin lahaydeen mustaqbalkiina ama ku dooran lahaydeen sadexda madaxweyne ee tartamaya waxaa jira muddo kadib in doorasho loo gali doono baarlamaanka iyo kolihii deegaanka dadke deegankan reer sool degaana waa tartamayaan waa lays kugu yimi sanadkan “.
Dhinaca kale wasiir Yaasiin Faratoon waxaa uu ka hadlay mudadii uu xilka ahayey iyo waxqabadka xukuumada “muddo yar ayaan xilka hayey mudadaasna waxaan la kowsaday aafooyinka abaaro iyo aafooyinkaa aad ogtihiin ee aad ku wada caydhoowdeen waxqabadkayaguna aniga iyo xisbigayguba wuxuu mudadaas ku jahaysnaa gurmadka abaartaa iyo badbaadinta dadka suurta gal noomahayn inaanu wax qabad badan oo horumarina samayno dawlada aan ka tirsanahayna waad og tihiin waa dawlad yar oo dhaqaalaheedu yar yahay oon wax badan qaban Karin lkn waa dawlad dedaal badan intii la ladnaana waxay ku dedaalaysay inay bulshada gaadhsiiso adeegyada bulshada meelo badana waa laga hir galiyey laakiin wali halkan may soo gaadhin waana ku qasab inay halkan timaado ”.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Ayaa Sidoo Kale Tuulada Yeyle Xadhiga Kaga Jaray Mch Cusub Oo Maal Galintiisa Oo Isagu Lahaa .