Hargaysa (MOI) – Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa maalinimadii shalay xabsiga u taxaantay Sadex Nin oo laba kamidi u Dhasheen Ismaamulka Dawlad Deegaanka Somalida ee Ethiopia kuwaasi oo ka been abuuray sinjiyada dhalashadeeda si ay u qaataan kaadhka dhalashada Somaliland halka Ninka kalena uu ka cawiyey qabiilka ay sheeganayeen kuna dhiiri galiyey .
Ragan oo magacyadooda la kala yidhaa Cabdillaahi Cabdi Bacaad Yuusuf I yo Xuseen Sh. Ibraahin Carab Xuseen ayaa u dhashay dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia gaar ahaan ismaamulka Soomaalida Halka ka kale ee ka caawiyey dhanka sinjiyada ay sheeganayeen uu u dhashay Somaliland kaasi oo isagana lagu magacaabo Deeq Muxumed Guure Xuseen ,
Ugu danbayntii Wasaarada arrimaha gudaha ayaa muwaadiniinta uga digtay inay ku gacan siiyaan dadka ajaanibka ah qaadashada card-ka dhalashada isyada oo cidii isku daydana ay kala kulmi doonto xadhig iyo ganaax agad