Hargaysa(MOI)- Wafti Uu Hogaaminayo Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka qayb galay Shir Tuulada Cabdi geedi uga qabsoomay beelaha walaalaha ah ee Ciise Iyo Sacad muuse Galbeed.
Beelaha Ciisaha Iyo Sacadmuuse Galbeed Ayaa Hore Is Rasaasayn Ugu Dhex Martay Deegaanka Higlada Halkaasi Oo Qasaare Sahlani Ku Dhex Maray Waxaana Shirkani ujeedadiisu ahayd sidii loogu kala bogsiin lahaa beelaha walaalaha ah Si Bilaa Turxaan Ah Iyadoo Ay dood iyo garnaqsi dheer kadib ay shirka kasoo baxeen Qodobo Muhiim Ahi.
Qodobada shirka la iskula afgartay ayaa waxa kamid ahaa
Socdaalkan uu wasiiru dawlaha wasaarada arrimaha gudaha Somaliland kaga qayb galay shirkan ayaa waxaa ku wehelinayey xubno kamida xildhibaanada kasoo kalada jeeda labada beelood waxaana uu shirkaasi kusoo dhamaaday guul iyo is garad.