hargaisa (SLI)
warsaxafadeedka uu soo saaray wasiirku ayaa waxa uu jawaab celin u ahaa hadalakii ka soo yeedhay maamulka somaliya
Shirqoolka ka Socda Xamar ee la doonayo in lagu waxyeeleeyo Qaranimada Somaliland waa mid Ummada Somaliland ay ka digtoon yihiin .
Waxaana wax lala yaabo ah in Maamulka Muqdisho ku hadaaqo in Somaliland ka mid tahay doorasho ku sheegta maamulka taagta daran ee Somaliya loo qabanayo 2016 arrimahaas oo ah mid caal waa ah .
Haddaba waxaa looga digayaa dhamaanba Madax-Dhaqameedka Somaliland in aan lagu khaldin ama aanay ku dhicin dabinnada ay maleegayaan Maamulka taagta daran ee muqdisho.
Waxa lagu war galinayaa cidii ka qayb qaadata shirqoolada laga maleegayo xamar inay la kulmi doonaan ciqaab adag iyadoo lagu qaadayo khiyaamo Qaran.
Qarankan Somaliland waa Qaran gaamuray oo aan cidina hungurayn Karin kuna guulaystay inuu xaqiijiyo Midnimadiisa iyo Horumarkiisa