Hargaysa( MOI)- Maanta oo taariikhdu tahay 21 bisha kowad 2017 waxaa qabsoomay kalfadhidii 8 aad ee gudida heer farsamo ee maaamul daadejinta, gudidan oo ka kooban agaasimyaal guud, iyo maayaro ayaa wuxuu qabsoomaa 45 kii maalmooadba mar taasoo lagaga hadlo hirgalinta maamuldaadejinta farsamo ahan iyo wixii caqaba taagan ee u baahan in la xaliyo
Agaasimaha guud ee Wasaarada arimaha Gudaha Mudane Cilmi Cabdiraxmaan Caashuur oo gudiiminyay shirka isla markaana ah Gudoomiyaha Gudidaan ayaa si rasmi ah u furay shirkan oo agendihiisu ahaa is xogwaraysi iyo dib u eegid wixii qabsoomay iyo caqabadaha taagan.
Eng. Xusen maxamud jiciir ayaa halkaas warbixin kooban ka jeediyay oo ka hadlaysa Safarkii madaxwayne ku xigeenku kusoo kormeeray degmooyinka JPLG iyo maamul daadejintu ka socoto,
Waxa sidoo kale halkaas laga jeediyay warbixino kooban oo kusaabsan hawlaha u qabsoomay mudadii u danbaysay ee maamul daadejinta sida waxbarashad iyo caafimaadka waxaaana guud ahaan la sheegay inay hawluhu si fiican u socdaan.
Agaasimaha guud ee wasaarada Arimaha bulshada ayaa isna halkaa uga hambalyeeyay hawlaha muhiimka ee ay hayaan mayorada degmooyinka iyagoo la wareegay masuuliyaadkii loo doortay, wuxuuna sidookale ka dhawajiyay in dhibaato ka jirto caruur badan oo darbijiif ah taasoo uu mayarada degmooyinka ka codsaday inay arimahaas wax kala qabtaan oo laga yeesho siyaasada qaran.
Ugu danbaytii Agaasimaha Guud ee Wasaarada arimaha gudaha ayaa si rasmi ah u soo xidhay kulankaas hawleed isagoo u mahadnaqay sida fiican ee ay xubnuhu uga soo qayb qaleen iyo sida fiican ee look ala qaatay warbixinada.
Wabilaahi tawfiiq.