Hargaysa(MOI)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon Ayaa Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Balaadhan Oo uu Hogaaminayo Dhigiisa Dawlada DJabouti Iyo Waftidii uu Hogaaminayey Ee Maalinnimadii Shalay Dalka Lagu Soo Dhaweeyey.
Wasiirka oo ay wehelinayaan Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye Taliyaha Ciidamada Boliska Sareeyo Guudo Cabdillaahi Fadala Iimaan Iyo Taliyaha Laanta Socdaalka Maxamed Cisman Dayib waxaana ay shir muddo qaatay ku wada qaateen xafiiska wasiirka arrimaha gudaha halkaasi oo ay kaga wada hadleen xidhiidhka lada dal iyo sidii loosii xoojin lahaa iskaasiga labada dhinac.
Intaasi kadin waftida oo uu horkacayo wasiirka Arrimaha GUdaha Somaliland waxa ay kormeer kusoo mareen Xarada birmadka halkaasi oo ay salaam kaga qaateen cutub ka tirsan ciidanka Birmadka
Waxaana ay usii dhaafeen miiska saraakiisha oo isna ay kulan kula yeesheen general-ka ciidamada qaranka.