Sawiro
Shirka Qorshaha 5ta Sanno ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL oo Hargeysa Lagu Qabtay
Hargeysa > Waxaa maanta ka Qabsoomay Casood Hotel Kulan-Hawleed lagu gorfaynayay Ansixinta Qorshaha Shanta Sano ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Amniga JSL.
Kulankan waxaa hogaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Mudane Maxamed Cali Maxamuud, Waxaana ku Wehelinayay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, Abaanduulaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Cali Xasan Aadan, Hogaanka Xidhiidhka Arimaha Dibada ee Ciidanka Booliska Maxamed Yuusuf Cismaan (Maxamed Case) iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga.