Dowladda Somaliland oo Ka Hadlay Maleeshiyaadka Huwanta ee Nabaddiidka oo Weerar ku Soo Qaaday Dad Shacab oo Reer Guuraaya

Maleeshiyaad hubaysan oo ku ab-tirsada kooxaha la baxay Khaatumo ayaa weerar kusoo qaaday dad shacab ah oo baraagahooda ka dhaansanaya deegaanka Buqdharkayn, iyagoo u socday dhaca xoolaha nool.

Dadka deegaanka ayaa si adag iskaga difaacay duullaanka gaadmada ah ee kooxaha hubaysani kusoo Qaadeen Dadka Shacabka Ah, iyagoo La gaadhsiiyay jab wayn.

Xukuumadda Somaliland waxay u sheegaysaa dawladaha gobolka iyo Beesha Caalamka in kooxaha hubaysan ee la baxay Khaatumo ay halis ku yihiin amniga mandaqadda, isla markaana aanay dawladda Somaliland u dul-qaadan doonin duullaanada gaadmada ee Ay soo qaadayaan.

Annaga oo ka xun in hogaamiye Firdhiye uu bisha barakaysan ee Ramadan u arko dhiig uu daadiyo guul siyaasadeed, isla markaana colaad kaga dhex abuuro dadka walaalaha ah.

Somaliland waxay diyaar u tahay nabad-ku-wada-noolaanshaha mandaqadda.

Bashiir Cabdi Cabdilaahi.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga

admin