Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa Dhambaal Hambalyo ah udirey ummada Islaamka ah ,gaar ahaana Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland munaasibada Ciidul Adxaha Awgeed .
Wasiirku waxa uu hambalyo taas la mid ah udirey Shaqaale-weynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ,Xaasaskooda ,Caruurtooda iyo Ciidamada kala Duwan ee Qaranka ,waxaanu ALLE ka barayayaa inuu sanadkan sanadkiisa Horumar iyo Barwaaqo inagu gaadhsiiyo ,
Kulu-caam wa antum bikhayr